Home Wararka Caalamka Sweden oo Xukun Xabsi ah ku riday Afar Waalid oo Caruurtooda u...

Sweden oo Xukun Xabsi ah ku riday Afar Waalid oo Caruurtooda u ogolaaday inay isguursadaan

0

Maxkamada ku taalla Örebro ayaa xukun ku riday Afar Waalid oo lagu soo eedeeyay inay ka danbeeyeen guurka Caruurtooda.

Sida ku Cad Warbixinta SVT Waalidka ayaa ka danbeeyay guurka labada Caruur oo dhacay Sanadkii 2021.

Labada Caruur oo da’dooda lagu sheegay 15 sano jir oo gabadha ah iyo 18 sano jir oo wiilka ah.

inta ay soctay Maxkamada waxaa lasoo bandhigay Sawirada Xaflada Arooska oo ka dhacday Wadan kale oo Yurub ah.

Sida kale Maxkamada ayaa laga cadeeyay in Labada Caruur ay isku guursadeen si ikhtiyaar ah lakin dambiga waalidka uu yahay inay aqbalaan guurkaasi oo mamnuuc ka ah dalka Sweden.

Mid kasta oo kamid ah Waalidka ayaa lagu xukumay Hal sano oo Xarig ah madama ay aqbaleen guurka Caruurta.

Sweden ayaa Sanadkii 2020 soo saartay Sharci Mamnuucaya in Waalidka Aqbalaan guurka caruurta aan qaan-gaarin.

Ad
Previous articleHowlgalka ATMIS oo shaacisay in diyaarado Dagaal uga qeyb qaadanayaan dagaalka socda
Next articleQoor Qoor oo Wasiiro Cusub Magacaabay Kuwa kalana Xilka Ka Qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here