Home Wararka Maanta Sucuudiga oo markan taageero u muujiyey Falastiiniyiinta

Sucuudiga oo markan taageero u muujiyey Falastiiniyiinta

0

Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa qadka taleerfanka kula hadlay madaxweynaha Falastin Maxamuud cabaas.

Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in dalkiisu uu “garab taagan yahay dadka reer Falastiin si ay u gaaraan xuquudooda aasaasiga ah ” iyo in ay gaaraan nabad waarta.

Waxa uu sidoo kale Cabbaas u sheegay inuu dhinacyada caalamiga ah iyo kuwa gobolkaba kala shaqayn doono si usan dagaalku u faafin.

Waxaa xusid mudan in Xamaas oo ka talisay Qasa iyo Maxamuud cabaas oo madaxweyne ka ah daanta galbeed ay ku xifaaltamaan siyaasadda Falastiin.

Hadalka Maxamed Bin Salmaan ayaa imaanaya kadib war horaan kasoo baxay Sucuudiga oo u ekaa mid looga fiirsanayo in taageero rasmi ah loogu muujiyo Xamaas.

Ad
Previous articleFurimaha Dagaalka Oo Dib Boorka looga Jafaayo Iyo Sarakiil Booqday Ciid Ciidka(Sawiro)
Next articleMucaaradka puntland oo ku Hanjabay inay Maxkamad Gayn Doonaan Deni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here