Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Furimaha Dagaalka Oo Dib Boorka looga Jafaayo Iyo Sarakiil Booqday Ciid Ciidka(Sawiro)

Furimaha Dagaalka Oo Dib Boorka looga Jafaayo Iyo Sarakiil Booqday Ciid Ciidka(Sawiro)

0

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed G/le sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta kormeer shaqo ugu tagay kumaandooska ilaalo qaran oo howlgallo sifayn ah maalmahaan ka waday ciid ciidka oo u dhaw deegaanka cali fool dheere ee gobolka shabeelada dhexe.

Taliyaha ayaa ciidanka ku bogaadiyay sida ay waajibkoodi ciidaneed uga guteen Alshabaab ku dhuumaalysanaysay ciid ciidka ,isagoona xusay ineey tahay waxay ku mudanyihiin bogaadin iyo amaan gooni ah .

Sidookale taliyaha ayaa ciidanka iyo saraakiishaba kula dar daarmay ineey sii laba jibaaran dadaaladooda ku aadan baacsiga iyo sifaynta kooxda Alshabaab ee goobaha duurka ah ee ay isku dayaan ineey isku soo aruursadaan kana soo maleegaan weeraro fulaynimo ah .

Taliska ciidanka dhulka oo uu horkacayo Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed G/le sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa wada dadaalo dheeraad ah oo lagu guubaabinaayo geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Alshabaab ,isagoo taliyuhu ku sugan yahay furumaha horre ee dagaalka .

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Qoor Qoor iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Gaaray Furimaha Dagaalka Koonfurta Mudug Xili Alshabaab laga Saari la,yahay Shabeeloow
Next articleSucuudiga oo markan taageero u muujiyey Falastiiniyiinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here