Home Wararka Somaliya Puntland Mucaaradka puntland oo ku Hanjabay inay Maxkamad Gayn Doonaan Deni

Mucaaradka puntland oo ku Hanjabay inay Maxkamad Gayn Doonaan Deni

0

Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi oo ka mid ah siyaasiyiinta Puntland ugu miisaanka cuslus ayaa shalay khudbad uu ka jeediyey shirweynaha siyaasiyiinta iyo ururada mucaaradka ah ee Puntland.

Asad ayaa sheegay in Madaxweyne Deni looga fadhiyo in uu qabto doorashada xiligeedina ku qabto, oo ah 8-da bisha Janaayo ee 2024.

“Ururka Mideeye, waxaan ka qay-bgalney doorashadii goloyaasha deegaanka, waxaan sidaas u sameyney shacabka ayaa na khasbayey oo u arkay in dantu ku jirto, laakiin waxaan ogeyn in Siciid Cabdullaahi wax khaldayo, markii u xeerarkii oo dhan beddalay, dastuurii beddalay, wax kastana ka dhigay sida uu rabo waan isaga baxney,” ayuu yiri Asad Cismaan Cabdullaahi.

Jeneraal Asad ayaa ugu baaqey madaxweynaha Puntland Siciid Deni in uu doorashada xiligeedi qabto.

“…Madaxweyne Deni haddii uu doorashada qaban waayo 8-da Janaayo 2024 waa in tallaabo laga qaado oo la soo qabto, kadibna maxkamad la soo taago,” ayuu yiri.

Shirka siyaasiyiinta iyo ururada mucaaradka oo Talaadadii shalay aheyd ka furmey Garoowe ayaa socon doona laba maalmood, waxaana lagu wadaa in laga soo saaro war-murtiyeed xal loogu raadinaayo siyaasadda cakiran ee Puntland.

Mucaaradka Puntland ayaa raadinaya go’aan midaysan oo ku wajahan marxaladda taagan, si Puntland looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Shirkaan ayaa imaanaya, iyadoo mudda xileedka madaxweyne Deni ay ka harsan yihiin bilo kooban, islamarkaana lagu eedaynayo in uu muddo kororsi raadinayo

Ad
Previous articleSucuudiga oo markan taageero u muujiyey Falastiiniyiinta
Next articleMukhtaar Roobow oo Xajka u magacaabay guddi cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here