Home Wararka Somaliya Somaliland SSC oo soo saartay go’aano Dhabar jab ku ah Soomaaliland

SSC oo soo saartay go’aano Dhabar jab ku ah Soomaaliland

0

Isimida SSC ayaa ku dhawaaqay in gebi ahaanba ay joojiyeen wixii dhaq-dhaqaaq ganacsi ah ee ka dhaxeyn jiray deegaanada Somaliland iyo kuwa SSC.

SSC ayaa sidoo kale waxay sheegtay in deegaanada SSC-Khaatumo aysan imaan karin hay’addo ka howl-gala gudaha Somaliland, islamarkaana aysan wax shaqo ah ka qaban karin, haddii ay dhacdana tallaabo adag ka qaadi doonaan.

“Marka aan aragnay duulaanka iyo dagaalka cadownimada ah ee kusoo qaaday dadkayaga iyo deegaankayaga, iyaga oo tixgelineyn Islaamnimo, Soomaalinimo iyo derisnimo midnaba. Laga billaabo 15-ka bisha April 2023 maamulka SSC waxa uu joojiyay dhamaan ganacsigii ka dhaxeeyay SSC iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Isimida SSC.

“Sidaas darteed marka laga bilaabo taariikhda kor ku xusan waxaa reeban in wax ganacsi ah nooga yimaado Somaliland, sidoo kalena mid ka socda ka gudbo deegaanada SSC-Khatuumo.”

Isimida ayaa faray in laamaha amaanka ee SSC ay fuliyaan amarka kasoo baxay ee lagu joojiyay ganacsigii ka dhaxeeyay Somaliland iyo SSC, iyo awaamiirta kale ee kasoo baxday guddiga garaadada 33-ka ah.

“Wax hay’add ah oo ka howl-gasha dhinaca somaliland ma iman karto deegaanada SSC kamana howl-gali karto, waa la joojiyay, haddana waa ku celinayna. CIidamada amaanka waxaa la farayaa inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadan cid kasta oo kusoo xad-gudubta awaamiirtaas la bixiyay.”

Bayaanka kasoo baxaya Isimida SSC ayaa sidoo kale waxa lagu xusay in hay’addaha laga mamnuucay ay yihiin kuwa ka howl-gala gudaha Somaliland, sidaas darteed ay deegaanadooda u furan yihiin hay’addaha kale ee ka howl-gala Soomaaliya inteeda kale.

“Hay’addaha fadhigooda yihiin deegaamada Hargeysa, Boorama iyo magaalooyinka kale ee Somaliland ma iman karaan deegaanada SSC illaa amar dambe. Laakiin dalka Soomaaliya intiisa kale hay’ad alaale ka imaaneysa min Kismaayo oo ugu shisheeysa ilaa Bosaaso, waa ka howl-gali karaan deegaanada SSC.”

Go’aanadan cusub ee kasoo baxay Isimida SSC ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysatay xiisadda dagaal ee kala dhaxeysa Somaliland, islamarkaana ay Somaliland ku dhawaaqday in dib gacanteeda ugu soo celinayso magaalada Laascaanood.

Si kastaba, dagaalka Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa socda in ka badan laba bil, waxaana gebi ahaanba burburay waan-waan iyo dhex-dhexaadin ay isku xilqaameen dhinacyo kala duwan, kadib markii labada dhinac ee isku haya halkaasi ay ku xireen shuruudo adag, si la iskugu imaado miiska wada-hadalka.
Ad
Previous articleFaahfaahin Alshabaab miina aasaayay oo lag dilay Muqdisho
Next articleAskari asago Dhac gaysanaaya kaamirada Qarsoon Duubtay oo Gacanta Lagu Soo dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here