Home Wararka Maanta Soomaliland oo Si kulul ugu Hadashay Talaabadii uu Tarsan Shalay Qaaday

Soomaliland oo Si kulul ugu Hadashay Talaabadii uu Tarsan Shalay Qaaday

0

Maamulka Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay ficillada uu sameeyay danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambasadoor Max’uud Axmed Nuur Tarsan oo maanta ka baxay shir uu madaxweynaha Kenya Uhuru ugu yeeray safiiro badan ka dib markii uu kulankaasi ku arkay masuuliyiin matalayay Somaliland.

Somaliland ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay caddeyn u tahay cadownimada iyo nacaybka soo jireenka ah ee Soomaaliya ay u qabto Somaliland iyo dadkeeda.

War Saxaafadeed laga soo saaray magaalada Hargeysa ayay sidoo kale Somaliland ku sheegtay inay tahay dal madax-bannaan,  dimuqraaddi ah oo dooneya in si nabad ah ay kula noolaadaan waddamada dariska la ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

Kenya ayaa u aqoonsan Somaliland inay tahay gobol ka tirsan Soomaaliya. balse sanadihii dambe ayay Nairobi sare u qaaday xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Farmaajo ayaa marar badan ku eedeysay Kenya inay farogelin toos ah ku heysa arrimaha gudaha ee Soomaaliya..

 

Ad
Previous articleDowladda Kenya oo raali galin ka bixisay Sababtoo Safiirka Soomaaliya Shirka uga baxay (Akhriso)
Next articleDiyaarada Ka Kacday Muqdisho oo loo Diiday jnay Ka Degto Gobalka Gedo iyo Sababta oo la Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here