Home Wararka Maanta Soomaaliya oo 70 sana ka dib la siiyay raali galin

Soomaaliya oo 70 sana ka dib la siiyay raali galin

0
Booliiska South Wales ayaa markii ugu horraysay raali galin bixiyay 70 sano kadib caddaalad darrada nin Soomaali ah oo lagu daldalay xabsi ku yaalla Britain.

Maxamuud Mataan, oo ah Soomaali British ah horeyna u ahaan jirtay badmaax, ayaa la daldalay 1952-dii ka dib markii la sheegay in lagu helay dambi ah inuu magaalada Cardiff ku dilay haweeney lagu magacaabo Lily Volpert.

Booliiska South Wales ayaa raaligelin ka bixiyay waxayna qirteen in dacwad oogistu sax ahayn.

“Shaki kuma jiro in Mahmood Mattan uu ahaa dhibbanaha cadaalad darro ka dhalatay xeer-ilaalin khaldan, taasoo ay caddahay in boolisku qayb ka ahaa,’ ayaa lagu yiri war kasoo baxay Booliiska

“Waa sax oo waa sax in raaligelin laga bixiyo magaca booliiska wixii si xun u khaldamay kiiskan 70 sano ka hor iyo dhibaatada ba’an ee soo gaartay qoyska Mr Mattan iyo dhammaan dadka ay saameysay musiibadan sanado badan.”

Xaaskii Mr Mattan Laura iyo saddex wiil oo ay dhaleen, ayaa u ololaynayey 46 sano inuu caddaalad helo marxuumka. Dhammaantood hadda ma noola. Laakiin mid ka mid ah lix carruur ah oo uu awoowe u yahay Maxamuud Mataan ayaa raalli galinta ku tilmaamtay mid aan daacad laga ahayn.

“Aad bay uga daahday dadka sida tooska ah ee ay u saameeysay maadaama aysan nala joogin, welina ma maqalno erayada waan ka xunahay,” ayay tiri Tanya Mattan oo ayeeyo u tahay.

Ad
Previous articleMadaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa ku sugan Garoonka Aadan Cadde
Next articleDowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii shabaab ay ka geesteen Hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here