Home Wararka Maanta Somalia oo geeska Afrika ku meteleysa shirka caalamiga ah ee GPE (Sawirro)

Somalia oo geeska Afrika ku meteleysa shirka caalamiga ah ee GPE (Sawirro)

0

Wasiirka Waxbarshada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS, Mudane Farah Sheikh Abdulkadir , oo magaalada Paris uga qayb galay shirka Golaha Sare ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada (Global Partnership for Education – GPE).

Dowlada Soomaaliya oo xubin ka ah ururkan aya sidoo kale sanadkan shirka golaha ku matalaysay Gobolka geeska Africa iyadoo si weyn looga dooday qorshaha waxbarasho isbeddel abuurta.

Soomaaaliya waxa ay ka mid tahay waddamada ugu hooseeya dhanka helitaanka fursadaha waxbarashada ayaa waxaan fursado waxbarashaho helin in ka badan 4 milyan oo caruur Soomaaliyeed ah.

Golaha GPE oo uu hoggaamiyo madaxweynahii hore ee Tansaaniya Mudane Kikwete, ayaa bogaadiyay dadaalada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare , iyagoo ballanqaaday inay si weyn u garab istaagayaan dadaalada horumrinta Waxbarashada.

Wasiirka Waxbarshada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS, Mudane Farah Sheikh Abdulkadir ayaa shirkaas ka sheegay dedaalka dowladu ugu jirto horumaarinta waxbarashada ubadka iyo caqabadaha ka heysta.

Ad
Previous articleMahad Salaad oo Ka Hadlay Dilka yaab ka lahaa Ee Loo Gaystay Taliyihii NISA ee Gobalka Gedo
Next articleCali Guudlaawe oo Safar Dhulka ah Ku Maraaya Gobihii Alshabaab Laga Saaray Ee G.Shabelada Dhexe oo Degaano Hor leh Gaaray(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here