Siyaasiinta Soomaalida ugu saameynta badan ee ku soo baxay doorashada Kenya

Weli way socotaa tirinta codadka doorashada Kenya, gaar ahaan tan madaxweynimada. Hase yeeshee, waxaa si horudhac ah loo shaaciyay qaar ka tirsan kuraasta la doortay oo ay ugu badan yihiin xildhibaannada.

Qoraalkan waxaan ku eegaynaa siyaasiinta Soomaalida ah ee ugu miisaanka culus ee ilaa iyo hadda ku soo baxay doorashada Kenya, kuwaas oo noqday xildhibaanno, waxaana ka mid ah.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale

Aadan Barre Ducaale ayaa kursigiisii xajistay. Waxaa laga soo doortaa magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya .Waxaa kursiga doorkan kula tartamayay ilaa saddex murashax oo kale oo uu uga adkaaday.

Wuxuu kursigaan hayay ilaa sanadkii 2007. Aadan ayaa sidoo soo noqday hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya. Waa Soomaaligii ugu horreeyay ee xilkaas qabta. Waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin aad siyaasadda Kenya uga dhex muuqda oo aan la gabban fikirkiisa.