Siyaasigan ayaa sheegay haddii madaxweyne loo doorto in uu Soomaalida ku abaal-marinayo inay qaataan caasimadda

Murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada Kenya, oo lagu wado in ay dhacdo 9-ka bisha August ee sanadkan 2022-ka ayaa u muuqda in ay aad u danaynayaan soo jiidashada Soomaalida ku nool waddanka.

Waxa ay Soomaalidu ka mid yihiin qowmiyadaha Kenya dhulka ballaaran ku leh, waxayna tiradooda saamayn ku leedahay natiijada doorashada.

Waxaa la qiyaasaa in ilaa 850,000 oo Soomaali ah ay codadkooda ka dhiiban karaan doorashada guud ee Kenya oo qof iyo cod lagu soo doorto madaxda dowladda dhexe, baarlamaanka iyo madaxda maamul goboleedyada.

Qaar ka mid ah murashaxiinta u hanqal taagaya xilka madaxweynaha ayaa hadallo jeediyay maalmihii lasoo dhaafay, iyagoo ku guda jira ololaha oo sii xoogaysanaya.