Maxkamadda sare ee Hindiya oo Amar dul-dhigtay haweeneydii Nabiga (NNKH) aflagaadeysay

Maxkamadda sare ee dalka Hindiya ayaa amar ku bixisay in afhayeenki hore ee Xisbiga BJP Nupur Sharma ay telefishinka qaranka ee dalkaas iyadoo ka soo muuqaneysa ay raalligelin rasmi ah ka bixiso aflagaaddadi ay Nabiga (NNKH) u geysatay.

Maxkamadda sare ee dalka Hindiya oo maanta dhageysatay dacwadda aflagaaddadii ay Nabi Muxammed (NNKH) u geysatay haweeneydaas ayaa bixisay amar aysan Sharma ku farxin.

Dhegeysiga dacwadda oo uu horkacayay garsooraha maxkamadda sare Surya Kant, waxaa goobjoog ka ahaa xubno Xisbiga BJP ka tirsan.

Maxkamaddu waxay sheegtay, “Carrabka Sharma inuu silbaday. Ereyadii foosha xumaa oo ka soo yeerayna ay gilgileen dalka Hindiya oo dhan. Ugu dambeyntiina, waxaa ka dhashay falal ay ka mid yihiin dilkii ka dhacay magaalada Udaipur.”