Madaxweyne Deni oo oo cadeeyey Mowqifkiisa ku aadan Xukuumada Cusub ee uu hogaaminaayo Raysulwasaare Xamse

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa yaboohay inuu si buuxda ula shaqeyn doono dowladda madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Deni ayaa hadalkan xalay ka sheegay xarunta madaxtooyada Puntland oo uu kaga qeybgalay munaasabadda 1-da Luulyo ee lagu xusayo sannad guuradii 62-aad ee kasoo wareegatay markii ay xorriyada qaateen gobollada Koonfureed ee dalkeena, midowgii Waqooyi iyo Koonfur iyo curashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya 1-dii Luulyo 1960-kii.

Deni ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyey kusoo hadal-qaadey isbadalka ka dhacay dalka ee heer federaal, oo uu kamid ahaa musharaxiintii isu soo taagtey xilka madaxweynaha Soomaaliya, balse looga guuleystay.

Deni, oo isku dayaya inuu meesha ka saaro hadal-hayn jirtay maalmahan oo aheyd inuu ka careysan yahay in isaga iyo Puntland-ba la dhaafiyey jagada ra’iisul wasaaraha, ayaa si cad u ballan-qaadey in uu la shaqeyn doono ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, kaasi oo la filayo in dhowaan uu soo dhiso gole wasiiro.