Home Wararka Maanta Sida xiddiga Kansarka ku waayay xiniintiisa uu guusha lama filaanka ah ugu...

Sida xiddiga Kansarka ku waayay xiniintiisa uu guusha lama filaanka ah ugu horseeday Ivory Coast

0

Sebastien Haller ayaa noqday halyeyga xulka Ivory Coast kadib markii ay dib kasoo kabsadeen si ay u garaacaan Nigeria. Taas ayaa u horseeday inay qaadaan koobka Qaramada Afrika 2023.

Xulka Maroodiyada ayaa intii uu socday tartanka eryay tababarahoodii iyaga oo dhowr mar ku sigtay inay ka haraan tartanka. Koobkan ayaa noqonaya kii saddexaad oo ay qaadaan xulka Ivory Coast xilli aysan lahayn niyad iyo rejo badan.

Waxay Ivory Coast ku bixisay lacag dhan hal bilyan oo doolar martigelinta tartanka, laakiin waxa xulka guuleystay ay helayaan 7 milyan oo doolar, halka xulka Nigeria oo galay kaalinta labaad ay heli doonaan 4 Milyan.

Sida xiddiga Kansarka kasoo kaca wax yar kahor ugu horseeday Ivory Coast guusha lama filaanka ah.

Wuxuu lugtiisa ku qaaday Koobka Qaramada Afrika 1 sano ka dib markii uu xaniintiisa ku waayey cudurka Kansarka

Sebastien Haller sannad ka hor wuxuu la daalaadhacayey kansarka xaniinyaha ku dhaca, wax rejo ahna kama qabin in uu dib dambe banooni u laado, iska daa in uu xulka qarankiisa u saftee.

Laakiin dhabar adayg, dhiirranaan iyo nasiibkiisa ayaa saaciday.

Haller oo ay iska dhaleen aabbe Faransiis ah iyo hooyo u dhalatay Ivory Coast, wuxuu ku dhashay dalka Faransiiska.

Sannadkii 2020 isagoo ka tirsan kooxda West Ham ee dalka Ingiriiska ayuu doortay in uu matalo qaranka hooyadiis.

Sannadkii xigey ee 2021 wuxuu u wareegey naadiga Ajax ee ka dhisan dalka Holland, halkaas oo uu xiddig ka noqday, taas oo u sahashay in uu u wareego kooxda Borussia Dortmund ee Jarmalka.

Wuxuu noqday weeraryahan la caabbin waayey oo caadka maraya, ka dibna cudur halis ah ayaa ku soo baxay.

Bishii Luulyo 2022 ayaa waxaa Haller buro laga helay xaniintiisa, taas oo uu la anfariirey.

Intaas ka dib Haller wuxuu galay qalliin looga saaray xaniintii bugtey, ka dibna wuxuu billaabay in hawl gubitaanka unugyada jirran ee loo yaqaan chemotherapy.

In kasta oo uu isbitaal u galay cudurka Kansarka, marnaba isma dhiibin oo nolosha kama quusan.

Lix bilood oo labo qalliin iyo intaas oo gubitaan ah lagu sameeyey ka dib, Haller si tartiib tartiib ah ayuu garoomada ugu soo noqday illaa uu ugu dambeynta mar kale u saftay kooxdiisi Dortmund.

13 bilood ka dibna wuxuu dhaliyey goolkiisi ugu horreeyey ee ciyaaraha Qaramada Afrika 2023 ee dalkiisu martigeliyey. Goolkaas oo ay kooxda Maroodiyada ugu soo baxeen ciyaarta kama dambeysta ah, wuxuu sare u qaaday niyadda kooxda oo ay si daran uga jiiftey.

Sebastien Haller halgan dheer ka dib, habeenkii Axadda 11 Febraayo 2023 ayuu bog cusub ku qoray taariikhdiisa, ka dib markii uu dhaliyey goolkii libinta ee dalkiisa ku hantay Koobka Qaramada Afrika.

Ciyaaryahankan ciddii sannad ka hor ku dhahda waxaad lugtaada ku qaadi doonta koobka Qaramada Afrika, marnaba ma rumeysteen.

Tartanka Qaramada Afrika oo sannad walba la qabto waxaa sannadkan ku baratamey 24 xul oo si adag ugu loollamay hanashada koobkan, waxaana ciyaartii kama dambeysta ahayd isaga hor yimid dalka sannadkan tartanka martigeliyey ee Xeebta Faan Maroodiga & xulka Nigeria.

Labadan dal ee ku yaal Galbeedka Afrika oo ah kuwo kubadda cagta lagu xagliyo wajigoodu iskuma cusbayn, waxaana ka dhexeeya xafiiltan qaraar oo dhanka kubadda cagta ah, balse marka ciyaartoyda ay sannadkan la soo shirtageen la eego, sinnaba uma sinneyn.

Xulka Nayjeeriya oo lagu naynaaso Gorgorrada sarsare waxay koobkan horay u qaadeen saddex jeer oo kala ah 1980, 1994, 2013, waxayna doonayeen in ay markii afraad koobka Abuja ka dejiyaan.

Nayjeeriya oo uu horkacayey weeraryahankooda u ciyaara kooxda Napoli Peter Osimen, islamarkaana haysta xiddigga sannadkan ee kubbadda Cagta Afrika.

Waxay ciyaarta kama dambeysta ah yimaadeen iyagoon marnaba dhinacooda dhulka la dhigin.

Halka xulka Ivory Coast ee loo yaqaan Maroodiyadu oo horay koobkan u soo qaaday labo jeer oo kala ah 1992, 2015, aysan sannadkan isku toosneyn; iyagoo marar badan ku sigtay in ay tartanka isaga haraan, ka dib markii ay dhowr jeer taageereyaashooda ku hor kufeen.

Si kale haddii loo dhigo Xulka Qaranka Ivory Coast oo ka mid ah kuwa ugu tunka weyn qaaradda Afika, sannadkan waxaa la oran karaa nasiibkaa saacidey ee ciyaartii looga bartay iyo wax u dhow midna ma soo bandhigin.

Tusaale ahaan, waxaa laga badiyey labo ka mid ah ciyaarihii wareegga 1-aad, waxayna dirqi ugu soo baxeen kaalinta 3.

Si kale haddii loo dhigana waxay ciyaarta kama dambeysta ah yimaadeen iyagoo labo jeer oo qura soo badiyey.

Waxaana xusid mudan in ciyaar aad loogu han weynaa oo ay la yeesheen dalka yar ee Equatorial Guinea taageerayaashooda lagu hor ceebeeyey, ka dib markii 4-0 lagu suuldaaray.

Guuldarradan waxay keentay in la eryo tababarihii xulka tiiyo tartanka aysan fari ka qodneyn, taas oo muujineysa sida ay mar u quusteen.

Inkasta oo xulka Ivory Coast ay billowgii tartanka la kulantay hantaaturrooyin iyo waji gabax, haddana marna isma dhiibin oo sidii Sebastien Haller ayey ciiddiyaha ku dagaallameen illaa ugu dambeyntii ay dunida ka yaabsadeen oo ay baalasha ka rifeen mid ka mid ah xulalkii koobka loo saadaalinayey ee Gorgorrada Nayjeeriya.

Isku soo wada duuboo sheekada waxaan ka qaadaneynaa in haddii aad aaminto in aad arrin ka libkeento aad maalin un guusha hantin doonto.

Sidoo kale niyadda oo meel lagu xirtaa waxay ku siineysaa adkeysi aad uga gudubto caqabad walba oo kaa hortimaadda.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo xilli habeen ah tacsi u tagay safaarada Imaaraatka
Next articleMadaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo Magaca Madaxweyne laga Badalaayo Maxaa loogu Yeeri Doonaa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here