Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo Magaca Madaxweyne laga Badalaayo Maxaa loogu Yeeri Doonaa?

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo Magaca Madaxweyne laga Badalaayo Maxaa loogu Yeeri Doonaa?

0

Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa guda galay wax ka beddelaka dhowr cutub oo dastuurka ka mid ah kuwaasoo isbeddel lagu sameynayo. Qodobada la soo jeediyay in wax laga badalayo dastuurka Soomaaliya waxaa ka mid ah qodobka 51-aad.

Halkii ay ka aheyd in ay leeyihiin dowlad goboleedyada Somaaliya madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ayaa soo jeedinta hadda waxaa ku jira in loo badalo hoggaamiye iyo hoggaamiye ku xigeen.

Marka laga hadlayo xilalka madaxda ugu sarreysa dowlad goboleedyada iyo kan dowladda federaalka, hadii aadan maqal magaca qofka ama sharaxaad kale, kalama garaneysid sababtoo ah hal magac ayey wadaagaan.

Tani waa soo jeedin, weli si rasmi ah waxba looma badalin. Baarlamaanka ayaa dood ka yeelanaya taas soconeysaa ilaa iyo 19-ka bishan Febraayo.

Ad
Previous articleSida xiddiga Kansarka ku waayay xiniintiisa uu guusha lama filaanka ah ugu horseeday Ivory Coast
Next articleLuul Cabdicasiis oo aan Wali La Duugin iyo Sayid Cali oo Xabsi Gaar ah ku jira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here