Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilli habeen ah tacsi u tagay safaarada Imaaraatka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilli habeen ah tacsi u tagay safaarada Imaaraatka

0

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay tacsi ugu tagay danjiraha Imaaraatka u fadhiya Soomaaliya, isaga oo ku booqday dhismaha safaaradooda.

Booqashada ayaa timid maalmo kadib markii weerar uu fuliyay askari Shabaab la la xiriirinayo lagu dilay tiro saraakiil sare oo Imaaraat ah, kuwaas oo Soomaaliya u joogay tababarka ciidamada Soomaalida.

Meydka saraakiisha ayaa loo qaaday dalkooga, iyada oo uu madaxweyne tacsi diray isla habeenkii uu dhacay weerarka. Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkaas oo uu fuliyay mid ka mid ah dadkii la tababarayay.

Qoraal lasoo dhigay bogga madaxtooyadda Soomaaliya waxaa lagu sheegay in madaxweynuhu sidoo kale kala hadlay danjiraha Imaaraatka Axmed Jumca Al-rumeysi ‘ahmiyadda xiriirka soojireena ah ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobcinta dhaqaalaha’.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Shaacisay ninkii Laayay Saraakiisha Imaaraadka iyo Ciidamada Soomaalida ee lagu laayay xerada Gordan
Next articleSida xiddiga Kansarka ku waayay xiniintiisa uu guusha lama filaanka ah ugu horseeday Ivory Coast

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here