Home Wararka Maanta Shuute Cabdullaahi oo Goordhowayd oo lagu Dilay bartamaha Magaalada Beledweyne

Shuute Cabdullaahi oo Goordhowayd oo lagu Dilay bartamaha Magaalada Beledweyne

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo ay geysteen rag ku hubeysnaa bistoolado, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Dilka ayaa waxaa loo geystay marxuum Shuute Cabdullaahi oo si weyn looga yaqiinay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka uu ka mid ahaa askarta ciidamada dowladda ee ka howlgala halkaasi, waxaana toogasho ku dishay koox hubeysan oo goobta ka baxsatay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo howlgallo kooban lq sameeyey xaafado ka tirsan magaaladaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi iyo baaritaanada xigay.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaaba si caadi ah u socda dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo gaadiidka oo muddo kooban hakad galay.

Beledweyne oo dhowaan lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah golaha shacabka ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo geystay khasaare kala duwan.

 

 

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Codsi U Dirtay Hay’ada Lacagta Aduunka ee IMF
Next articleQaar Ka Mid ah Murashaxiin Doonaya in Dib loo Dhigo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya(Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here