Home Wararka Maanta Shirkii Musharaxiinta iyo Xukuumada oo xalay Lagu kala tegay

Shirkii Musharaxiinta iyo Xukuumada oo xalay Lagu kala tegay

0

Shirkii xalay Markale uga Furmay Muqdisho Xubanaha Musharaxiinta iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Lagu kala Tegay.

Shirkaan ayaa Saacado ka socda Muqdisho waxaana Ka hadlay Ra’isul Wasaare Rooble.

Qoraalka ka soobaxay Rooble ayaa u qornaa sidaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble”Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September,2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa.

Wali Albaabadeydu way u furan yihiin wada hadal iyo is-qancin, si aan xal kama dambeys ah u gaarno dalkana uga hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda.”.

Ad
Previous articleWar deg deg Ah:- Dabley hubaysan oo Caawa weerar qaraxyo ku bilowday la beegsaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso
Next articleMidowga Musharaxiinta oo soo bandhigay Afartii qodob ee ay hordhigeen Ra’iisul wasaare Rooble

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here