Home Wararka Maanta Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya oo Digniin adag loo Diray

Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya oo Digniin adag loo Diray

0

Hay’adaha qaran ee kala ah Isgaarsiinta iyo Tayodhowrka ayaa maanta ku wargeliyay dhammaan shirkadaha isgaarsiinta iyo internetka inaan dalka la soo gelin karin qalab isgaarsiineed ama teknolojiyadeed oo aan haysan oggolaanshaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Hay’adda Tayordhowrka Soomaaliyeed (HTS).

Ogeysiiska, oo waafaqsan qoddobka 59-aad ee Sharciga Isgaarsiinta, waxa uu xoogga saarayaa muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo xeerarkan si loo xaqiijiyo suuq caddaalad ah oo lagu tartamo, loona ilaaliyo macaamiisha iyo shacabka Soomaaliyeed.

Warkan ayaa soo baxay kadib markii labada hay’adood ay si wadajir ah u qabteen munaasabad ay ku kala saxiixanayeen isfargarad ay labada dhinac isaga kaashanayaan sidii loo xaqiijin lahaa tayada qalabka isgaarsiinta iyo teknolojiyada. Waxaa munaasabadda goobjoog ka ahaa Mudane Xuseen Culusow, wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada. Isafgaradkan waxaa HIQ u saxiixay Maareeyaha Guud, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, halka HTQ ay u saxiixday Maareeyaha Guud, Marwo Xaawo Xasan.

“Dhammaan qalabka isgaarsiinta – iyadoon loo fiirin meesha uu ka yimid – waa inay maraan nidaamka oggolaanshaha looga baahan yahay ee Hay’adda,” ayuu yiri Md Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Guud ee HIQ. Nidaamkan ‘Hubinta Qalabka (Type Approval)’ wuxuu hubinayaa in qalabku buuxiyo heerarka loo baahan yahay oo ah in aanu keenin khatarro caafimaad oo suurtagal ah ama inuu shucaac ku furo adeeg-bixiyeyaasha kale.”

Ad
Previous articlePuntland oo eedayn layaab leh Ujeedisay Dowlada Federalka Soomaliya
Next articleCiidamada Dowlada oo burburiyay xarumo alshabaab lahaayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here