Home Wararka Somaliya Puntland Puntland oo eedayn layaab leh Ujeedisay Dowlada Federalka Soomaliya

Puntland oo eedayn layaab leh Ujeedisay Dowlada Federalka Soomaliya

0

Puntland ayaa ku eedeeysay Dowladda Soomaaliya inay reer SSC ku cadaadinayso inay la heshiiyaan Somaliland si loo soo afjaro dagaalka mudada dhowrka bilood ah ee ka socda Laascaanood.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa sheeray in arrintan ay cadeyn u tahay in dowlada Somalia ay raali ka tahay dhibaatada Somaliland ka wado Laascaanood.

Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa intaas ku daray inay taageersan yihiin hadalkii uu sheegay Garaad Jaamac Garaad Cali, kaasoo ahaa in dowladda federalka Soomaaliya ay Somailand ku garab siineyso duullaanka ay magaalada Laascaanood ka wado.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayuu ku eedeeyey wasiirku inuu indhaha caalamka ka sii jeedinayo xaaladda cakiran ee ka taagan magaalada Laascaanood, taa beddelkeed uu ku mashquulsan yahay in wadahadalo lala bilaabo Somaliland.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmay Golaha sare ee SSC ay raali galin ka bixiyeen hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali ee ahaa iney la safan tahay Somaliland, waxayna sheegeen in DF ay waxtar mooyee dhibaato ku heynin shacabka SSC.

Ad
Previous articleSSC oo Raaligin Siisay Dowlada Federalka Soomaaliya Xili ay Dhawaan eedo Culus soo jeediyeen
Next articleShirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya oo Digniin adag loo Diray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here