Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Ciidamada Dowlada oo burburiyay xarumo alshabaab lahaayeen

Ciidamada Dowlada oo burburiyay xarumo alshabaab lahaayeen

0

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa  burburiyay jidgooyo iyo xarun al-shabaab ku lahayd degaanka Jameeco ee gobalka Bay, halkaasoo ka mid aheyd goobaha ay ka cuna qabateeyeen Magaalada Baydhabo.

Hawlgalkan oo la sheegay inuu dhacay maqribnimadii caawa ayaa lagu dilay 15 ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jiraan saddex sarkaal sida ay baahisay warbaahinta DF.

“Waxaa gabi ahaan la burburiyay jidgooyadii Khawaarijta waxaana goobta laga fasaxay gaadiidkii dadwaynaha ee ay halkaas ku xanibeen” ayaa yiri sarkaal la hadlay Warbaahinta

Waana hawlgalkii labaad oo muddo 24 saac ah ka dhaca wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo gaar ahaan inta u dhaxaysa Leego iyo Buurhakaba halkaasoo Al-shabaab ay isku dayaysay inay xanibaan gaadiidka ganacsiga.

Ad
Previous articleShirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya oo Digniin adag loo Diray
Next articleDalka ciraaq oo Talaabo adag Ka Qaaday Safiirkii Swedan u Fadhiyay Dalkaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here