Home Wararka Somaliya Galmudug Shirkada Hormuud oo Diiday inay Fasaxdo Adeega Degeenadii laga Saaray Alshabaab

Shirkada Hormuud oo Diiday inay Fasaxdo Adeega Degeenadii laga Saaray Alshabaab

0

Saraakiil katirsan Milateriga Soomaaliya oo ku sugan degmada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud ayaa sheegay in Shirkadda Hormuud ay ka dhaga adeegtay in ay fasaxdo qadka Internet-ka ee degmadaas oo muddo ku dhaw todobaad ku jirta gacanta dowladda.

Mas’uuliyiinta Hormuud ee ku sugan Ceeldheer ayaa sheegay in culeeska uu ka jiro maamulka sare ee Shirkadda, gaar ahaan madaxda ku sugan Muqdisho, laakiin saraakiisha dowladda ayaa sheegay in ay cadaadis uga yimid Ceelbuur iyo Galhareeri lagu diiday amarka dowladda.

Xildhibaano, Saraakiil iyo mas’uuliyiin kale ayaa 3 maalin oo isku xigta la kulmay mas’uuliyiinta Shirkadda Hormuud ee degmada Ceeldheer, waxaana hadda loo qabtay in muddo kooban ku furaan Internet-ka, haddii ay dhici weysana ay ka qaadi doonaan tallaabooyin adag.

Muddo 15 sano ah degmada Ceeldheer kama shaqeynin Internet waxayna la qabtaa dhamaan goobaha ay maamulaan Al-shabaab.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Shaacisay Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkii Qaraara ee Ka Dhacay Degmada Galcad ee Gobalka Galgaduud
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Taliye ku Xigeenkii Danab ee Lagu Dilay Degmada Qalcad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here