Home Wararka Maanta Shir u dhaxeeya Dowlad Gobaleedyada iyo Dowladda dhaxe oo Kismaayo ka furmaya

Shir u dhaxeeya Dowlad Gobaleedyada iyo Dowladda dhaxe oo Kismaayo ka furmaya

0

Maanta oo Axad ah ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose uu shir uga furmo Wasiirada Wasaaradaha Waxbarashada dowlad Goboleedyada kajira dalka & Wafdi ka socda Wasaaradda Waxbarashada oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Shirkan oo socon doona muddo saddex cisho ah ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa arrimo ku saabsan waxbarashada Soomaaliya, sida in Waxbarashada Soomaaliya ay noqoto mid mideysan iyo sidii dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada uga wada shaqeyn lahaayeen horumarinta waxbarashada guud ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Jubbaland Cabdi Naasir Seeraar Maax ayaa sheegay in shirkaan uu ka filayo inay kasoo baxaan waxyaabo wax u tari doono ubadka Soomaaliyeed, sidoo kale shirka aragtiyo kala duwan la isku weeydaarsan doono.

Shirkaan ayaa waxaa uu noqonayaa shirkii labaad oo ay yeesheen Xubno ka socda Wasaaradaha waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya & dowlad Goboleedyada, waxanaa geba-gabadiisa laga soo saari doonaa Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

Ad
Previous articleXukuumadda Soomaaliya oo Abaaraha Dalka dadka ay Saameeyeen ugu Deeqday 1 Milyan oo Dollar (Sawiro)
Next articleGuddiga Xalinta Khilaafaadka oo ka hadlay Doorashadii Yaasiin Farey (Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here