Home Wararka Caalamka Shinbir Africa ku nool oo Qofkii Dila Lagu Xukumaayo Xabsi Daa,in

Shinbir Africa ku nool oo Qofkii Dila Lagu Xukumaayo Xabsi Daa,in

0

Dowladda Uganda ayaa soo saartay sharci cusub oo lagu ciqaabayo dadka dila ama waxyeelada u geesta shimbir astaan qaran dalkaasi ka ah, si looga hortago in shimbiradaasi ay gabi ahaan dabar go’aan.

Shimbirtan la ciqaabayo qofkii dila ayaa aad looga jecel yahay dalka Uganda, waxaana shimbirtan lagu sawiray calanka dalka Uganda, iyadoona loo ixtiraamo shimirtan in ay tahay astaan qaran.

Dowaladda Uganda ayaa sheegtay in shimbirtan qofkii dila lagu ridayo xukun xabsi daa’in ah sidoo kale lagu ganaaxi doono lacag dhan 20 bilyan oo lacagta dalka Uganda ah una dhiganta $5.7 milyan oo doolar.

Guddoomiyaha Duur-joogta Uganda George Owoyesigire, ayaa sheegay in shimbirtan ay sii dabar go’eyso, waxa uuna xusay ay la bur buriyay sidoo kale la deegaansaday goobihii ay ku noolaayeen.

Shimbirtan astaanta qaran u ah dalka Uganda ayaa hada tirada dalkaasi kunool lagu qiyaasay ilaa 8,000, halka sanadkii 1989-kii dalkaasi tirada shimbarahan ay gaarayeen 35,000 sida ay dowladda Uganda sheegtay.

Ad
Previous articleGaalkacyo oo Doorasho Adag ku dhex-mareyso Al-Cadaala iyo Odawaa ” Doorasho Adag”
Next articleDhageyso:- Khudbadii Fahad Yaasiin Markii la doortay kadib ” Shuban ayaa ka danbeyndoona Doorasho Dadban”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here