Home Wararka Somaliya Gaalkacyo oo Doorasho Adag ku dhex-mareyso Al-Cadaala iyo Odawaa ” Doorasho Adag”

Gaalkacyo oo Doorasho Adag ku dhex-mareyso Al-Cadaala iyo Odawaa ” Doorasho Adag”

0

Kala jiidasho odayaasha dhaqanka ah iyo is xifaaleyn muuqata ayaa ka dhex jirtay in muddo ah C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa & C/raxmaan Yuusuf Cumar Al Cadaala.

Wasiirkii hore ee Arimaha gudaha Soomaaliya Odawaa ayaa mar kale doonaya inuu difaacdo kursiga xildhibaanimo isagoo rajo ka muujiyey in la taageero.

C/raxmaan Odawaa oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Muqdisho Sabtidii Shalay,waxaana uu dhowr qodob kusoo koobay inuu mudan yahay in lagu taageero kursiga xildhibaanimo.

Dhankiisa C/raxmaan Yuusuf Al Cadaala oo wasiir kuxigeenka wasaarada warfaafinta Soomaaliya iminka ah ayaa Gaalkacyo loogu sameeyey soo dhaweyn ballaaran.

Inkastoo saxaafada uusan la hadli Alcadaala tegitaankiisii Gaalkacyo Khamiistii hadana waxa qaar ka mid ah kooxda u ololeneysa ay qabaan in sanadkaan beesha kursiga iska leh ay ku sharfi doonto.

R/wasaare Rooble ayaa la rumeysan yahay in uu dhisayo Al cadaala oo udakanoobay dagaal siyaasadeedkii Xafiiska Madaxweyne farmaajo uu la galay sanadkii hore dhamaadkiisii.

Balse Rooble waxa sidoo kale uu meel cidlo ah inuu uga tego ku adkaaneysa C/raxmaan odawaa oo widaay ku ahaayeen xisbiga Ex Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kursiga sumadiisu tahay Hop#069 ayaana la ogeyn cida kusoo bixi karta, xilli laba c/raxmaan mid walbo uu libinta dhiniciisa la doonayo,iyadoo odawaa uu sheegayo in cid ka mudan aysan hadda muuqanin.

Ad
Previous articleWar Deg Deg Ah:- Fahad Yaasiin oo loo doortay kursi Golaha Shacabka
Next articleShinbir Africa ku nool oo Qofkii Dila Lagu Xukumaayo Xabsi Daa,in

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here