Home Wararka Maanta Shiinaha oo Dhul laga siiyay Muqdisho Muxuu ku Qaban Doonaa?

Shiinaha oo Dhul laga siiyay Muqdisho Muxuu ku Qaban Doonaa?

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dhul siisay Shiinaha, kaas oo loogu talagalay safaaradda uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.

Dhulkan ayaa waxaa safaaradda ku wareejisay gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Fardowsa Cusman Cigaal oo la kulantay sii haya safiirka Shiinaha, Chen Wendi.

Fardowso ayaa sheegtay sheegtay in tallaabadani ay xoojineyso xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in ujeedka dhulka la siiyay Shiinaha uu yahay mid lagu ballaarinayo safaaradda uu haatan ku leeyahay magaalada caasimada ah Muqdisho.

Waxaa kale oo ay soo raacisay dhulkaas iyo dhismaha safaaradda lagu horumarin doono adeegyada ay u hayso shacabka, sida habaynta fiisaha iyo fududaynta ganacsiga.

Dhankiisa sii hayaha safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, Chen Wendi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhulkan cusub uu ka caawin doono safaaradda in ay sii ballaariso howlaheeda shaqo iyo in ay si wanaagsan uga shaqeyso danaha labada dal.

Shiinaha ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee taageero dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraa dhinacyo kala duwan oo muhiim ah.

Sidoo kale wuxuu ka qayb-qaataa howlaha gurmadka bani’aadanimada Soomaaliya, isaga oo marar kala duwan deeq lacagee ku wareejiyay hay’adda SoDMA ee Soomaaliya.

Muqdisho ayaa waxaa haatan kusoo badanayaa dhismaha safaaradaha waxaa dhowaan ay  dowladdu dhul ku yaalla degmada Xamarweyne ay ugu wareejisay safaaradda Talyaaniga.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shirka golaha amniga qaranka
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarax lagu laayay Askar ka Titsan Dowlada oonKa Dhacay Duleedka Muqdisho