Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Qarax lagu laayay Askar ka Titsan Dowlada oonKa Dhacay...

Wararkii Ugu Danbeeyey Qarax lagu laayay Askar ka Titsan Dowlada oonKa Dhacay Duleedka Muqdisho

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo xalay ka dhacay duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku socdaalayay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxa uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo marayay halkaasi.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaacisay in qaraxaas ay ku dishay saddex askari, ayna ku dhaawacday 4 kale, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inuu gebi gubtay gaarigii ay la socdeen ciidamadaas oo noociisa uu ahaa Cabdi Bile.

Ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegada Al-Shabaab, kamana hadlin weli laamaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo ganacsiga deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Marar badan ayaa waxaa waddadan qaraxyo miino lagula eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee isaga kala goosha Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda ammaan ee Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran oo ay howlgallo joogto ah ka wadeen ciidamada booliska, kuwa xasilinta iyo hay’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya.

Ad
Previous articleShiinaha oo Dhul laga siiyay Muqdisho Muxuu ku Qaban Doonaa?
Next articleShirkadda diyaaradaha Qatar Airways oo ka hadashay shil ka dhici gaaray hawada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here