Home Wararka Maanta Sheekh Shariif oo kahor yimid Qorshe uu Damacsanyahay Madaxweyne Xasan Shiikh

Sheekh Shariif oo kahor yimid Qorshe uu Damacsanyahay Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay muddo kororsiga ay sameesteen maamulada qaar iyo midka madaxda dowladda qorsheenayaan.

Qoraal kasoo baxay xisbiga ayaa loogu baaqay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada inay dhowraan sharciga, kana dheeraadaan muddo kororsi horseedi kara jahwareer iyo qalalaase siyaasadeed.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa sidoo kale sheegay in ay tuhmayaan heshiiskii siyaasadeed ee lagu gaaray Baydhabo, garwadeenkana uu ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh ee u dhaxeeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo siyaasiyiinta ku mideysnaa Midowga Musharaxiinta uu gogol xaar u yahay muddo kororsi ay damacsan yihiin hoggaanka sare ee dowladda Federaalka.

Qoraalka kasoo baxay xisbiga Himilo Qaran ayaa loogu baaqay madaxda dowladda in ay diirada saaraan shaqooyinka hortabinta leh kana fogaadaan wax kasta oo abuuri kara qalalaase siyaasadeed.

Ad
Previous articleMadaxweyne Biden oo Booqasho deg deg ah Ku Tagay Dalka Ukrain(Sawiro)
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Bandowga Lagu soo Rogay magaalada Xarardheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here