Shaqa Joojin Lagu Sameeyey Maareeyihii Guud ee Hay’ada Tayo Dhowrka Soomaaliyeed

Wareegto goordhaw kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaqada looga joojiyay Maareeyaha guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Aadan Xasan Barre.

Maareeyaha shaqada laga joojiyay ayaa lagu eedeeyay Wadashaqeyn la’aan masuuliyiinta kale ee Hay’adda iyo sidoo kale xadgudubyo kale uu ku kacay maareeyaha Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Soomaaliya ayaa si KMG maareeyaha Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed waxaa loogu magacaabay maareeye kuxigeenka Hay’addaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*