Home Wararka Maanta Senator Gaagaab “Xassan Shiikh xilalkii ugu muhiimsanaa wuxuu ku tixay beeshiisa”

Senator Gaagaab “Xassan Shiikh xilalkii ugu muhiimsanaa wuxuu ku tixay beeshiisa”

0

Senator Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee ka dhex taagan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Puntland iyo arrimo ka mid ah sababaha keenay.

Gaagaab ayaa sheegay in xiisada siyaasadeed ee Puntland iyo DF ay ku qotonto inaan si cadaalad ah aan loo qeybin xilalka muhiimka ah ee dowladda federaalka.

Waxaa uu tilmaamay in Xasan Sheekh uu xilalkii ugu muhiimsanaa ku tixay beesha uu ka soo jeedo arrintaasna ay qeyb ka tahay qanacsanaan la’aanta madaxda Puntland oo saluugsan sida wax loo maamulay.

“Doorashada xilalka dadka loo magacaabo ayaanu saluugsanahay, waxaa xaqiiqo ah xukuumadda Xasan Sheekh magacaabista ay sameeyeen marka beel beel iyo dowlad goboleed loo eego, intii u fiicneyd beesha uu kasoo jeedo (Hawiye) ayey raacday,” ayuu yiri Senator Gaagaab.

Waxaa uu xusay in wasiirada federaalka ugu jira Puntland ay ka mid yihiin kuwo culus, hase ahaatee ay weli Puntland wax tabaneyso.

“Waa hubaal Wasiirro xoogan waa leenahay sida Wasiirka Arrimaha Dibedda, laakiin mida aan ka hadlaayo waa dhinaca dhaqaalaha iyo meelaha wax ka soo bixi karaan oo laga yaabo in shaqooyin laga heli karo” ayuu intaas ku daray Senatorka

Arintan ayaa ku soo beegantay xili aysan wax natiijo ah ka soo bixin wadahadalo ay dhowr maalmood Garowe ku yeesheen Madaxweyne Xassan Shiikh oo halkaas booqday iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

 

 

 

Ad
Previous articleFaahfaahin: Khasaaro Ka Dhashay hoobiyayaal lagu Garaacay Xaafada Ka Tirsan Muqdisho
Next articleFaahfaahin Dheeri oo Kasoo Baxayda Dilka Xasan Wiish oo Muqdisho Lagu Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here