Home Wararka Maanta Seddax guul-darro oo Al-Shabaab ka soo wajaheysa luminta Degmada aadan yabaal

Seddax guul-darro oo Al-Shabaab ka soo wajaheysa luminta Degmada aadan yabaal

0

Sanado badan kadib maanta dowladda Soomaaliya waxay xaqiijisay gacan ku heynta maamulka degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo uusan dagaal ka dhicin.

Aadan-yabaal Al-Shabaab waxay u aheyd saldhig weyn oo weerarrada gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ay ka abaabulaan, sidoo kale waxay Aadan-yabaal Al-Shabaab u aheyd ildhaqaale.

Xoreynta Aadan-yabaal waxay guul weyn u tahay dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay mid ka mid ah yoolalkeedii ugu weynaa todobaadyadaan, halka Al-Shabaab ay soo wajihi doonaan seddax caqabadood oo soo kuusaya cimrigooda gobollada dhexe.

1 – Al-Shabaab waxaa ku adkaa doonta inay sii heystaan dhulka ay hadda ka joogaan gobolka Shabeellada Dhexe.

2 – Waxaa meesha ka bixi doona weerarradii rogaal celiska ahaa ee laga abaabuli jiray Aadan-yabaal oo Al-Shabaab ay ku qaadi jireen deegaanada koonfurta iyo bariga gobolka Hiiraan.

3 – Qorshaha xiga xoreynta Aadan-yabaal waa in ciidanku ay u sii gudbaan gobolka Galgaduud oo kooxda laga xoreeyo Galcad, Mesega-waa, Ceeldheer ilaa Ceelbuur.

Markii la eego guusha HirShabeelle ee dagaalka Al-Shabaab, waxaa la sugayaa goorta ay Galmudug xoreysa doonto Xarardheere iyo Ceelbuur oo ay dhaqaaqi doonaan ciidanka ku sugan Qaayib, Dhuusamareeb iyo Wisil.

Madaxeynaha Soomaaliya oo maanta ka hadlay dagaallada ka socda dalka ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu war lagu farxo ka imaan doono Jubbaland iyo K/Galbeed, Al-Shabaab-na ay tageen oo ay taariikh tahay.

“K/Galbeed iyo Jubbaland waxaa ka socda diyaar garow aan caadi aheyn, dadka iyo ciidanka ayaa abaabulan, labadaas dowlad goboleed gobolladooda war fiican ayaa ka soo socda, halka HirShabeelle iyo Galmudug ay ka sii xoroobayaan cadow, dadka Soomaaliyeedow walaalayaal Shabaab waa taariikh, waana tegay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Jabuuti oo Taageeray Kacdoonka Ka Dhanka ah Alshabaab ee Kasocda Soomaaliya
Next articleWiilka Uu Dhalay Museveni Oo Hal Arrin Dalbaday Si Uu Aabbihiis Xilka Ugala Wareego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here