Home Wararka Caalamka Saxuudiga oo Xabad jiojin Degdeg ah uga Dhawaaqay Dagaalki uu Ka Waday...

Saxuudiga oo Xabad jiojin Degdeg ah uga Dhawaaqay Dagaalki uu Ka Waday Yeman

0

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay gelinkii dambe ee Talaadadii in ay joojinayaan howlgallada militari laga bilaabo Arbacada, kadib baaqii Qaramada Midoobay ee xabbad joojinta inta lagu guda jiro bisha Ramadaan ee Muslimiinta.

Qaramada Midoobay ayaa la shaqaynaysay xulafada milatariga ee Sucuudigu hogaaminayo iyo dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran, kuwaas oo dagaal ku jiray ilaa 2015-kii, si loo helo heshiis nabadeed iyo in la yareeyo dhibaatada bini’aadantinimo ee xun ee ka jirta dalka saboolka ah.

 

 

 

Xabbad-joojintu waa tillaabadii ugu muhiimsanayd ee dadaallada nabadeed muddo saddex sano ka badan iyadoo beesha caalamku ay la daalaadhacaysay sidii loo soo afjari lahaa colaad toddobo sano ah oo ay ku dhinteen tobanaan kun, malaayiin kalena ay qarka u saaran yihiin inay u dhintaan macaluul.

“Taliska ciidamada wadajirka ah ee isbaheysiga ayaa ku dhawaaqaya joojinta howlgallada milatari ee gudaha Yemen laga bilaabo Arbacada 6-da subaxnimo,” wakaaladda wararka ee dowladda Sacuudiga ee SPA ayaa ku warantay, iyadoo soo xiganeysa bayaan ka soo baxay afhayeenka isbaheysiga Brigadier General Turki al-Malki

Ad
Previous articleKenya oo ku Guul Daraysatay inay Shidaal ka Soosaarto Xeebta Lamu Basin
Next articleXaaji Shiine oo lagu Dilay Magalaada muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here