Home Wararka Maanta Xaaji Shiine oo lagu Dilay Magalaada muqdisho

Xaaji Shiine oo lagu Dilay Magalaada muqdisho

0

Kooxo hubeesan ayaa saakay magaalada Muqdisho ku dilay nin oday ah oo lagu magacaabi jiray  Xaaji Xasan Shiino, waxaana ninkan la dilay xilli la sheegay in uu kasoo laabtay masjid uu salaada subax kusoo dukaday.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in kooxda hubeesan dhoor xabad ku dhuftay kadibna goobta uga dhaqaaqeen, waxaana goobta dilku ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oon ku guuleesan soo qabashada kuwii dilka geestay.

Ninkan odayga ah ee la dilay ayaa dadka deegaanka sheegeen in uusan ku lug laheyn siyaasadaha is diidan ee dalka ka jira, waxa ayna tilmaameen in uu ahaa nin dalaal ah, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada dilkan.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay u muuqday mid sii xumaanayay, waxaana magaalada kusoo batay dilalka loo geesanayo dadka shacabka iyo sidoo kale dadka u shaqeeya dowladda.

Ad
Previous articleSaxuudiga oo Xabad jiojin Degdeg ah uga Dhawaaqay Dagaalki uu Ka Waday Yeman
Next articleAlshabaab oo Baahisay Qabiilka Mid ka Mid ah Ragii Weeraray Xerada Xalane

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here