Home Wararka Caalamka Kenya oo ku Guul Daraysatay inay Shidaal ka Soosaarto Xeebta Lamu Basin

Kenya oo ku Guul Daraysatay inay Shidaal ka Soosaarto Xeebta Lamu Basin

0

Dowladda Kenya ayaa dhabar jab kala kulantay qandaraas ay sharikad laga leeyahay Talyaaniga ku siisay in ay shidaal uga soo saarto Ceelka Mlima1, ee agga Lamu halkaas oo ay ka howl galeysay sharikadda ENI.

Sahminta sharikaddan ayaa guul darreysatay kaddib markii sahmintii 1aad ay ku sheegtay in ceelkaas oo ku yaalla aagga Lamu Basin ay ku jiraan 458milyan Barmiil oo shidaal ah.

 

Kenya ayaa bishii February shaacisay in dhamaadka Bisha March ay noqoneyso mid ka mid ah dalalka shidaalka soo saara.

Sharikadda Talyaaniga laga leeyahay ee ENI ayaa horay u sheegtay in ceelkaas maalinkii laga soo saari karo 120 Barmiil.
Tani waxaa ay dhabarjab ku tahay Kenya oo muran dhinaca badda ah kula jirta dalalka deriska la ah sida Soomaaliya iyo Tanzania.

 

 

Muran u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya oo dhanka Badda ah islamarkaana socday todobadii sano ee ugu dambeeyay ayey Kenya waji gabax kala kulantay kaddib markii Maxkamadda ICJ ay aagga ay Kenya muranka gelisay u xukuntay Soomaaliya inkasta oo Kenya aysan ku qancin natiijada dacwaddaas ka soo baxday.

Ad
Previous articleQaramada Midoobay oo Ku Dhawaaqday in Dagaalka Ukrain ka dhalatay Musiibo Caalami ah
Next articleSaxuudiga oo Xabad jiojin Degdeg ah uga Dhawaaqay Dagaalki uu Ka Waday Yeman

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here