Home Wararka Somaliya Sawiro: Raisal Wasaare Rooble oo kormeeray goobta ay ka dhacayso doorashada xubnaha...

Sawiro: Raisal Wasaare Rooble oo kormeeray goobta ay ka dhacayso doorashada xubnaha Gobolada Waqooyi

0

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kormeeray goobta ay ka dhacayso  doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi (Somaliland) ee dugsiga tababarrada booliska ee General Kaahiye.

Rooble ayaa u kuurgalay u diyaar garowga doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi oo dhowaan la filayo iney bilaabato.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Waqooyi ee SEIT iyo saraakiisha amniga doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia kula dardaarmay in ay si hufan u maamulaan howsha doorashada oo la qorsheynayo in ay berri bilaabato.

Ad
Previous articleXil ka qaadis lagu sameeyay Agaasimihii Hey’adda Socdaalka iyadoo Mid cusub la magacaabay
Next articleMadaxweyne Galmudug Qoor Qoor oo ugu baaqay Ahlu Sunna in hubka dhigaan isna dhiibaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here