Sawiro: Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor oo soo gaaray Caasimada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Dhuusamareeb Halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Qoor Qoor ayaa Safar deg deg ah ku soo gaaray Dhuusamareeb kadib markii Madaxweynaha Somaliya Mudane Farmaajo uu ku dhawaaqay shir dhawaan uu la yeelanayo Madaxda Maamulada.

Shirka waxaa awood ku wada beesha Caalamka kuwaasi oo la kulmay Madaxda Somalida kalana hadlay xalinta Khilaafka jira.