Home Wararka ugu Muhiimsan Maxaa kala Socotaa Ujeedka Madaxweyne Farmaajo uu ka leeyahay Shirka Dhuusomareeb uu...

Maxaa kala Socotaa Ujeedka Madaxweyne Farmaajo uu ka leeyahay Shirka Dhuusomareeb uu uga dhawaaqay

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa shir isugu yeeray Dowlada Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, shirkan ayuuna iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo in uu ka dhacayo magaalada Dhuusomareeb.

Prof Cabdi Ismaaciil Samater oo ah Falanqeeye siyaasadeed ayaa ka hadlay sababta xiligan keenay shirkan uu Madaxweyne Farmaajo iclaamiyay ee ka dhacaya Galmudug iyo ujeedka ka dambeeya .

Waxa uu sheegay Prof Samater in Beesha Caalamka soo jeedisay in shir isugu yimaadaan Muxaafidka iyo Mucaaradka balse Madaxweyne Farmaajo ka biyo diiday isaaga oo shirka u raray Dhuusomareeb si uu uga fogaado in shirka saameyn ku yeeshaan Mucaaradka.

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi laga dareemayo u diyaar garoowga shirka, isla markaana wadooyinka qaar iyo Xarumaha maamulka lagu arkayo ciidamo ka tirsan dowladda & kuwa Galmudug oo amniga xaqiijinaya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen inay u diyaar garoobeen marti-gelinta shirka, iyada oo mas’uuliyiin uu horkacayo Wasiirka Warfaafinta galmudug Axmed Shire Falagle oo ku sugnaa Muqdisho ay dib ugu laabteen Magaalada Dhuusamareeb.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in magaalada Dhuusamareeb ay gaaraan wufuud ka kala socda dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada, kuwaaas oo horudhac u ah Madaxda sare ee dowladda & dowlad Goboleedyada ee shirka ka qeyb-galaya.

Ad
Previous articleAmaanka Caasimada Dhuusamareeb ee Galmudug oo la adkeeyay
Next articleSawiro: Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor oo soo gaaray Caasimada Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here