Home Wararka Maanta Sarkaal ka soo Goostay Alshabaab iyo Hubkiisa oo lasoo Dhigay(Sawiro)

Sarkaal ka soo Goostay Alshabaab iyo Hubkiisa oo lasoo Dhigay(Sawiro)

0

Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay sarkaal la sheegay inuu ka soo goostay Al-Shabaab kaasoo lagu magacaabo Ciise Cumar Deerow Isxaaq.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa Weeraradda, isagoo kooxda ka tirsanaa  muddo 8-sano ah sida uu sheegay.

“Waxaan amiir ama hogaamiye u ahaa koox Jabhad ah oo tira ahaan gaareysa 400” ayuu yiri Ciise Cumar Deerow Isxaaq.

Waxaa uu intaas ku daray inuu qeyb ka ahaa dagaalo dhowr ah oo ka dhacey Gobolada Jubbooyinka iyo Bay, Waxaana sidoo kale Hay’adda Nabadsugidda ay soo bandhigtey hub uu kala soo goostey Al-shabaab oo ay kamid yihiin 2-qori oo AK-47 & 1-BKM ah.

Ad
Previous articleMaraykanka oo War kasoo Saaray Doorashadii Gudoonka Golaha Shacabka
Next articleImaam masaajid ku dhex dilay doofaar oo Xukun adag lagu riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here