Home Wararka Caalamka Imaam masaajid ku dhex dilay doofaar oo Xukun adag lagu riday

Imaam masaajid ku dhex dilay doofaar oo Xukun adag lagu riday

0

Maxkamad ku taalla dalka Rwanda ayaa shan sano oo xarig ah ku xukuntay wadaad Muslim ah oo lagu eedeeyay inuu masaajid ku dhex dilay doofaar.

Saddex qof oo sheegay in ay goob-joog u ahaayeen dhacdadan ayaa maxkamadda u sheegay inay arkeen imaamkan oo lagu magacaabo Sadate Musengimana oo geed ku garaacaya doofaarka, isla goobtana ku dilay.

Qareenkiisa ayaa ku dooday in uu si lama filaan ah u dilay neefkan, kadib markii uu isku dayay in uu ka eryo masjidka oo ku yaala degmada Kayonzo ee bariga dalka Rwanda.

Qareenka Imaamka ayaa sheegay in uu racfaan ka qaatay “xukunkan adag”.

Imaam Musengimana ayaa weli xidhnan tan iyo bishii February oo aheyd markii uu dilay doofaarka.

Ad
Previous articleSarkaal ka soo Goostay Alshabaab iyo Hubkiisa oo lasoo Dhigay(Sawiro)
Next articleUK oo Qaadday Tallaabo aysan Qaadin Tan iyo Dagaalkii Qaboobaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here