Home Wararka Maanta Saraakiil Shabaab ah oo lala Beegsaday Duqayn Culus

Saraakiil Shabaab ah oo lala Beegsaday Duqayn Culus

0

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ay ka dhacdaY Tuulada Haawaay oo ka tirsan gobolkaasi.

Duqeyntan oo ahayd bartilmaameed ayaa waxaa lagu bartilmaameesaday saraakiil ka tirsan kooxda oo xilligaas ku sugnaa deegaanka la duqeeyay.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha la duqeeyay ay u badnaayeen kuwa jabhadaha u qaabilsan Al-Shabaab, waxaana kamid ah sarkaal magaciisa lagu soo koobay Mucaad.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo xaqiijiyay in duqeyntaas uu khasaare kasoo gaaray xubnaha Al-Shabaab, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda iyo dowladda federaalka oo ku aadan weerarka cirka ah ee ka dhacay Shabeelaha Hoose.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga Tuulada Haawaay oo ay fariisimo ku leeyihiin Al-Shabaab.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda, waxaana badanaa ka dhaca duqeymo diyaaradeed iyo howlgallo ay fuliyaan ciidamada Xoogga dalka.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa dalka ka socday guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo guullo waa weyn laga gaaray, maadaama laga saaray dhul aad u ballaaran
Ad
Previous articleSucdi Cabdi , Maryan Cali iyo Saynab Axmed oo ahaa Xaasas Alshabaab oo Maxkamada Lasoo Taagay
Next articleMadaxweynaha Afrikaanka ah ee isaga iska mamnuucay safarada dalka dibadiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here