Home Wararka Maanta Madaxweynaha Afrikaanka ah ee isaga iska mamnuucay safarada dalka dibadiisa

Madaxweynaha Afrikaanka ah ee isaga iska mamnuucay safarada dalka dibadiisa

0

Madaxweynaha Malawi Lazarus Chakwera ayaa si degdeg ah u joojiyay dhammaan safarradii caalamiga ahaa ee isaga iyo dowladdiisa, si uu lacago u badbaadiyo.

Tallaabadan ayaa daba socota qiimo dhac weyn oo ku yimid lacagta iyadoo Malawi ay deyn ka heshay Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) si kor loogu qaado dhaqaalaheeda liita.

Mr Chakwera ayaa sidoo kale ku amray dhamaan wasiirada hadda ku sugan dalka dibadiisa in ay dalkooda ku soo laabtaan.

Gunnada Shidaalka ee madaxda sare ee dawladda ayaa la jaray 50%.

Dhaqaalaha Malawi waxa uu soo maray waqtiyo qallafsan, oo ay ku sifoobeen shidaal yari iyo naafto, iyo sidoo kale sicir barar sare.

Khudbad uu telefishinka ka jeediyay, Mr Chakwera wuxuu ku sheegay in tillaabooyinka ay sii jiri doonaan illaa dhammaadka sanad maaliyadeedka ee Maarso 2024.

Tillaabooyinka kuwan la mid ah ayaa lagu dhawaaqay intii lagu jiray masiibada Covid-19 laakiin waxay lahaayeen saameyn xaddidan maadaama aan si adag loo dhaqangelin.

Madaxweynuhu wuxuu ka codsaday wasiirka maaliyadda inuu sameeyo qodobbo ku saabsan kordhinta mushaharka macquulka ah ee dhammaan shaqaalaha dawladda xiliga ee dib u eegista miisaaniyada ee soo socota.

Ad
Previous articleSaraakiil Shabaab ah oo lala Beegsaday Duqayn Culus
Next articleGabar Soomaali ah oo Dalxiis u Timid Dalka Turkiga oo Meydkeeda laga Helay Hotelkii ay Daganayd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here