Home Wararka Maanta Sucdi Cabdi , Maryan Cali iyo Saynab Axmed oo ahaa Xaasas...

Sucdi Cabdi , Maryan Cali iyo Saynab Axmed oo ahaa Xaasas Alshabaab oo Maxkamada Lasoo Taagay

0

Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa maanta kasoo muuqday saddex kamid ah xaasaska Al-Shabaab iyo darawalkii gaariga ku waday, kuwaas oo horay loogu soo qabtay howlgal ay NISA ka fulisay degmada Warsheekh ee Shabeelaha Dhexe , iyaga oo ku sii jeeday dhanka Al-Shabaab.

Saddexda haween ee kasoo muuqday Maxkamadda ayaa kala ah Sucdi Cabdi Cilmi, Maryan Cali Isaaq iyo Saynab Axmed Cismaan, halka eedeysanaha afaraad isna lagu magacaabo Muxudiin Salaad Cabdulle.

Gabdhahaan saddexda ayaa kala yimid gobollada Shabeelaha Hoose iyo Baay, waxaana Maxkamaddu ay sheegtay inay kusii jeedeen dhanka deegaanka Jowle oo hoostaga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay joogaan Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay inay isugu yimaadeenm Tabeelaha Sheekh Ibraahim kadibna halkaasi gaari looga qaaday, balse ay ogaatay NISA oo gacanta kusoo dhigtay.

Saddexda gabdhood marka laga soo tago inay yihiin xaasaska Al-Shabaab, waxaa ay xeer ilaalintu ku eedeysay inay la shaqeynayeen kooxda, ayna siin jireen macluumaadka.

Mid kamid gabdhahan oo ka hor hadleysay Maxkamadda ayaa ku doodday “Ninkeyga ayaa Shabaab ah aniga Shabaab ma ihi”.

Ad
Previous articleDegmo ka Tirsan Galmudug oo Dhawaan Alshabaab Laga Saaray Oo Gargaar la Gaarsiiyay(Sawiro)
Next articleSaraakiil Shabaab ah oo lala Beegsaday Duqayn Culus

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here