Home Wararka Maanta Saraakiil Mareykan ah oo gaaray degmada Maxaas Xili Wajigii Labaad ee dagaalku...

Saraakiil Mareykan ah oo gaaray degmada Maxaas Xili Wajigii Labaad ee dagaalku Bilowday (Sawirro)

0

Saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa maanta gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo ka mid ah degaanadii dhowr bilood ka hor laga saaray Al-shabaab

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane Taliyaha ciidanka Dib-u-xoreynta deegaanka Maxamed Cismaan Ganeey iyo madax ka mid ah maamulka degmada Maxaas ayaa soo dhaweeyey saraakiishaasi.

Madaxda maamulka degmada Maxaas ayaa warbaahinta u sheegay in socdaalka saraakiisha Mareykanka uu ku qotomo dar-dar gelinta wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab oo dhowaan ka bilaabanaya qeybo ka mid ah dalka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda maamulka degmada Maxaas iyo qeybaha bulshada degmadaasi ku ammaanay sida aay isaga dul qaadeen Al-Shabaab, iyaga oo u sheegay inay garab taagan yihiin.

Ciidamada Mareykanka ee jooga Somalia ayaa ciidamada dowlada ka taageera dagaalka ay kula jiraan al-shabaab, taageeradaasoo iskugu jirta tababarka, saadka iyo duqeymaha cirka ah.

Ad
Previous articleRaila Odinga oo Ka Hadlay weerarkii Cuslaa ee shalay Lagu Qaaday Beerta Madaxwene Uhuru Kenyatta
Next articleMaxay tahay cuntada laga baqayo in ay sababto dagaal ka dhex qarxa Hindiya iyo Pakistan?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here