Home Wararka Somaliya Galmudug Saraakiil Itoobiyaan ah oo Qaban Doono Ceelbuur iyo Wabxo oo Gaaray Baladweyne

Saraakiil Itoobiyaan ah oo Qaban Doono Ceelbuur iyo Wabxo oo Gaaray Baladweyne

0

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta halkaasi gaareen saraakiil sar sare oo katirsan ciidamada Itoobiya ee howlgalka u jooga qeybo kamid ah Soomaaliya.

Saraakiishan ciidamada Itoobiya ka socda ee gaaray magaalada Baledweyne waxaa hoggaaminaya General Tesfaye oo katirsan saraakiisha sar sare ee ciidamada Itoobiya, waxaana safarkiisa ku wehliya saraakiil kale .

Sida aan wararka ku helnay saraakiishan ayaa u tagay Baledweyne sidii ay ugu kuur gali lahaayeen qorshe la doonayo in gobolka Hiiraan lagu geeyo ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah oo la doonayo in qeyb ka noqdaan howlgalo cusub oo Galbeedka ka bilaabanaya.

Ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah oon qeyb ka aheyn howlgalka ATMIS ayaa la filayaa in ay soo gaaraan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, ciidankan ayaana dowladda Soomaaliya ka taageeraya howlgalo cusub oo la doonayo in Al Shabaab lagu saaro Degaanada Galmudug Sida Ceelbuur iyo Wabxo oo Wali Alshabaab Gacanta Ku Hayaan.

Howlgalkii dowladda kula dagaalameysay Al Shababa ayaa hakad galay muddooyinkii ugu dambeeyay, waxaana la hadal hayaa in dowladda sugeyso ciidamo badan oo Itoobiyaan ah oo gacan ku siiya sidii Al Shabaab looga saari lahaa goobaha ay joogaan.

Ad
Previous articleGudoomiye Cali Jayte oo Mudo kadib Dib ugu Laabtay Hiiraan Iyo Dagaal La dhan Alshabaab oo uu Markale Hogaamin Doono(Sawiro)
Next articleAlshabaab oo Shaacisay Tirada Ciidamada Saakay ay ku Dileen Ruunirgood kadib Dagaal Halkaas ay ku Qaadeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here