Home Wararka Maanta Samiira Naasir: Gabadha caawa qabsatay baraha bulshada Soomaalida iyo falcelin ka Dhalatay(Sawiro)

Samiira Naasir: Gabadha caawa qabsatay baraha bulshada Soomaalida iyo falcelin ka Dhalatay(Sawiro)

0

Baraha bulshada Soomaalida waxaa caawa si weyn u qabsaday sawirrada gabadh lagu magacaabo Samiira Naasiir oo loo magacaabay taliyaha booliska degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Samiira Naasir oo ah gabadh dhalinyaro ah oo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa loo magacaabay taliyaha booliska ee degmada Shibis, sida ay baahisay warbaahinta Dowladda.

Samiira Naasir oo ah gabar dhalinyaro ah ayaa ka timid dalka Norwey oo ay ku soo barbaartay, waxna ku soo baratay Waa 23 jir ciidanka booliska ku soo biirtay sanadkii 2016.

Dadka isticmaalaja baraha bulshada gaar ahaan ragga ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyey Samiira iyo xilka loo magacaabay.

Ragga falcelinta sameynayey qaarkood ayaa sheegay in Samiira Nasir ay tahay gabar qurux badan oo aan habooneyn iney ka mid noqoto ciidamada, taas bedelkeedna ay ku wanaagsan tahay in nolosha lala qeybsado, qaar kale  ayaa ku kaftamay in haddii la xirayo ay doorbidi lahaayeen in la geeyo saldhiga Booliska Shibis si ay fursad ugu helaan iney la haasaawaan ama shukaansadaan Samiira.

Qaar kale oo Dadka falcelinta sameynayey ka mid ahaa ayaa isweydiinayey waxa Samiira ka keenay dalka Norwey oo ay ku heysatay nolol sare iyo fursado kale, ayna uga door biday iney ciidan ka noqoto dal halis ah oo maalin walba ay ka dhacaan dilal iyo qaraxyo.

.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh Oo Farmaajo kala Hadlay Arimo ay ka Mid yihiin Ciidamadii Ku Maqnaa Eriteria iyo Kiiska Ikraan Tahliil(Xog)
Next articleDadaalo Xabsiga Looga Sii Daynaayo Mukhtaar Roboow oo Muqdisha Kasocda iyo Laftagareen oo….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here