Home Wararka Somaliya Safarka Madaxwayne Qoor qoor ee Muqdisho ku tagay oo ku guuleestay Xasilinta...

Safarka Madaxwayne Qoor qoor ee Muqdisho ku tagay oo ku guuleestay Xasilinta Xiisada Jirtay

0

Tan iyo markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho, madaxwayne Axmed Cabdi kaariye Qoor qoor waxaa yaraaday xiisadii kacsanayd ee u dhawaatay in Muqdisho ay ka dhacdo gacan ka hadal siyaasadeed.

Madaxwayne Qoor qoor waxaa uu maalmihii u danbeeyay kulamo la qaadanayay Madaxda sar sare, siyaasiyiinta iyo xubno ka tirsan Midawga musharixiin, taas oo qaboojisay xaaladii kacsanayd ee wal walka ku abuurtay bulshada Muqdisho.

Inkasta oo ay wali jirto kala aragti duwanaanshiyo siyaasadeed, haddana mawqifka madaxwaynaha Galmudug ayaa ah sidii doorasho muuqata looga qaban lahaa dalka, taas oo uu u arko xalka kaliya ee looga bixi karo khilaafka taagan.

Sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta kala duwan, waxaa jira siyaasiyiin mawqifkoodu fogaaday kuwaas oo ka doorbidaya dadaalka nabadda iyo isu soo dhawaanshiyaha qalalaase dagaal, kaas oo meesha ka saari kara dadaalka nabadda ee lagu dhamaystirayo doorashada dalka.

Ad
Previous articleMaamulka koonfurgalbeed ayaa Shaaciyay 11 kursi Dhawaan la Dooran Doono
Next articleSawiro:- Duqa Degmada Gaalkacyo Oo Agab Gaarsiiyay Dadka Qaba Baahiya Gaarka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here