Home Wararka Maanta Safaarada Turkiga oo soo dhoweysay talaabo uu qaaday Golaha shacabka Somalia

Safaarada Turkiga oo soo dhoweysay talaabo uu qaaday Golaha shacabka Somalia

0

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa fadhigii shalay ee baarlamanka Somalia xildhibaanada u sheegay in latashiyo ay soo sameeyeen Guddoomiyaha Golaha shacabka mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ay isku soo afgarteen in gurmadka walaalaha Turkiga laga qeyb qaato

Xildhibaanada ayaaa soo dhaweeyay soo jeedinta Guddoomiyaha waxayna sheegeen in cod lageliyo waxana Haa u codeysay 150 xildhibaan ee soo xaadirtay kulankaas Guddoomiyaha ayaana sheegay in %20 mushaharka xildhibaanada ee bishan loojari doono gurmadka walaalaha Turkiga ee khasaaruhu soo ka soo gaaray dhulgariirka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay safaarada Turkiga ee Muqdisho ayaa loogu Mahad celiyey xildhibaanada golaha shacabka taageerada ay la garab istaageen shacabka Turkiga ee dhibaatada culus ay soo gaartay.

“Waxaan u mahad celineynaa dhammaan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo si wadajir ah u go’aansaday in 20% mushaharkooda bisha Febraayo ay ugu deeqaan dhulgariirka ka jira dalkeena” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay safaarada

Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ku dhawaaqay in maamulka Gobolka Banaadir uu lacag dhan $250.000 (Laba boqol iyo Konton Kun oo Doollar) kaga qeyb qaadanayo Gurmadka dhibaatadii ka dhashay dhul-gariirkii ka dhacay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Arrimahan ayaa qeyb ka ah talaaboyin ay waddo dowlada Somalia oo deeq lacageed loogu ururinayo shacabka Turkiga, RW Xamse oo ka wakiil ah xukuumada iyo guddiga ganacsatada ayaa horey ugu deeqay lacag isugeyn gaareysa 4 milyan oo dollar, waxaana sidoo kale shirkado ganacsi oo iyana lacago kala duwan ku deeqay.

Ugu yaraan 40,642 qof ayaa ku dhintay laba dhulgariir oo xoog badan oo ku dhuftay koonfurta Turkiga 6-dii Febraayo, sida lagu sheegay tirooyinka rasmiga ah ee ugu dambeeyay.

Cabirka dhulgariirrada 7.7 iyo 7.6, oo xuddun u ahaa gobolka Kahramanmaras, ayaa saameeyay in ka badan 13 milyan oo qof oo ku kala nool 11 gobol, oo ay ku jiraan Adana, Adiyaman, Diyarbakir, Gaziantep, Hatay, Kilis, Malatya, Osmaniye, Elazig iyo Sanliurfa.

Ad
Previous articleDiblomaasi Israa’iili ah oo banaanka loogga saarey shirka Midowga Afrika
Next articleBoliska iyo Nabad sugida Dowlada Federaalka oo war ka soo saaray Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here