Home Wararka Maanta Sacuudiga oo Xayiraad Kusoo Rogtay Soomaaliya

Sacuudiga oo Xayiraad Kusoo Rogtay Soomaaliya

0

Sacuudi Carabiya ayaa xayiraad duulimaad oo lama filaan ah kusoo rogtay Soomaaliya ayada oo dadka Soomaaliya ka imanaya ka mamnuucday inay dalkaas u safraan illaa amar dambe.

Soomaaliya ayaa ku jirta liiska 16 dal oo boqortooyada ay dadkooda ka mamnuucday inay soo galaan Sacuudiga, taasi oo la sheegay inay jawaab u tahay kiiska cudurka COVID-19 oo sare uga sii kacaya dalkaas.

Marka laga soo tago Soomaaliya, 15-ka dal ee kale ee liiska ku jira ayaa kala ah; India, Lebanon, Syria, Turkey, Iran, Afghanistan, Yemen, Ethiopia, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Libya, Indonesia, Vietnam, Armenia, Belarus, iyo Venezuela.

Go’aankan ay Riyadh ku beegsatay muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa ah mid jahwareer leh, sababo la xiriira inaan Soomaaliya laga werin wax sare u kac kiisas ah oo la xiriira cudurka COVID-19.

Go’aankan ayaa ka hor-istaagaya inay dalkaas u safraan kumanaan qof oo Soomaalia ah oo isu diyaarinayey inay u cumreystaan labada xaram iyo sidoo kale Xajka sanadkan oo ay naga xigto kaliya bil iyo bar.

Ma cadda xilliga uu socon doono go’aankan, waxaana suurtagal ah in xayiraadda Soomaalida la qaado kahor Xajka oo ku beegan horaanta bisha July 2022.

Go’aanka ayaa yimid ayada oo Wasaaradda Caafimaadka Sacuudiga ay Sabtidii werisay 414 kiis oo cusub oo la xiriira cudurka COVID-19, taasi oo shan jeer ka badan tirada kiisaskii la arkay March iyo April. 81 ka mid ah kiisaskaas ayey xaaladdoodu halis tahay.

 

 

 

 

 

 

Ad
Previous articleMooshin Culus oo Ka dhan ah laftagareen oo Bilowday Xili Farmaajo Laga Adkaaday
Next articleDeg Deg: Shaqa joojin lagu Sameeyey Wasiirka Arimaha Dibada DF Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here