Home Wararka Caalamka Ciidamada Ukraine oo ka Horyimid Dalab uu Ruushka Hor Dhigay.

Ciidamada Ukraine oo ka Horyimid Dalab uu Ruushka Hor Dhigay.

0

Ciidamada Ukraine ee ku sugnaa Mariupol ayaa Dib Isu Abaabulay, waxayna iska dhega tireen codsigii Moscow ee ahaa inay is dhiibaan. Ra’iisul wasaaraha Ukraine, ayaa sheegay in kuwa difaacaya magaalada ay dagaalami doonaan ilaa inta ay nafta ku jirto.

Afhayeenka wasaaradda difaaca ee Ruushka Igor Konashenkov ayaa sheegay in ciidamadoodu ay magaalada ka sifeeyeen wax walba oo iska caabin ah, marka laga reebo biraha daadsan waddoyinka.

Ruushka ayaa si rasmi ah ugu digay Maraykanka iyo xulafadiisa hubka ku taageera Ukraine.

Markii ugu horeysay tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine, tirakoobka wasaaradda socdaalka ee Poland ayaa tilmaamaya in dad badan ay ku soo laabanayaan Ukraine iyaga oo sii maraya Poland marka loo eego kuwa ka baxaya.

Waxaa sii kordhaya tirada dadka soo laabanaya tan iyo markii ciidamada Ruushka ay isaga baxeen waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

Sabtidii, (19,200) oo qof ayaa Poland yimid laakiin dhinaca kale (22,000) laba iyo labaatan kun ayaa dhinaca Ukraine u safray.

Ad
Previous articleSacuudiga oo Si kulul uga Hadlay Kitaabka Quraanka ee Lagu Gubay Swedan
Next articleRuushka oo ka hadlay tirada askarta uu ku laayay Dagaalka uu ku Qaaday Ukrain

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here