Home Wararka Somaliya Galmudug Saciid Cali Gacamey iyo Hub uu Watay oo lagu Qabtay Galmudug

Saciid Cali Gacamey iyo Hub uu Watay oo lagu Qabtay Galmudug

0

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo gacan ka helayay kuwa dadka deegaanka ee ku sugan bariga gobolka Galgaduud ayaa maanta gacanta kusoo dhigay oday katirsanaa Al Shabaab oo lagu magacaabayay Saciid Cali Gacamey.

Ninkan ciidanka soo qabteen ayaa la sheegay in uu kamid ahaa saraakiisha Al Shabaab ee ka howlgalayay degmooyinka Ceeldheer , Galcad iyo deegaanno hoostaga, waxaana lagu eedeeyay in dhibaatooyin badan u geestay dadka deegaanka.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Saciid Gacamayey muddooyinkii dambe si dhuumaaleysi ah ugu jiray dhulka howdka ah, waxaana ciidanku kasoo qabteen agagaarka deegaanka Geerile oo hoostaga degmada Ceeldheer.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee soo qabtay ayaa sheegay in ninkan kamid ahaa odayaasha Al Shabaab sida dhaw ula shaqeenayay, waxa ayna xuseen in ay hayeen xogtiisa ayna ku daba jireen muddo dheer.

Ad
Previous articleHoggaamiyihii mucaaradka ku ahaa naftana u galay Vladamir Putin oo ku geeriyooday Xabsi Dhexdiis
Next articleNin Doonaayay inuu Qaraxyo Culus Fuliyo oo Asaga Iyo Qaraxyadiisii Muqdisho lagu Qabtay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here