Home Wararka Maanta Hoggaamiyihii mucaaradka ku ahaa naftana u galay Vladamir Putin oo ku...

Hoggaamiyihii mucaaradka ku ahaa naftana u galay Vladamir Putin oo ku geeriyooday Xabsi Dhexdiis

0

Hoggaamiyihii mucaaradka ku ahaa naftana u galay madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin ayaa ku geeriyooday xabsi uu ku xirnaa, waxaana jira shaki badan oo hareeyay dhimashadiisa.

Alexey Navalny, ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday xabsi si weyn loo ilaaliyo oo kuyaalla galbeeda Seybira,  mana laga bixin faah faahino badan geeridiisa oo goordhaw un soo shaac baxday,

Hoggaamiyahan geeriyooday ayaa sannadkii 2020-kii  lagu sumeeyay sunta dareemayaasha saameysa ee loo yaaqaanno Novichok ee Siberia, waxaana markaasi loo qaaday dalka Jarmalka oo lagu soo daweeyay.

Siyaasigan oo kusoo caan baxay dhaleeceynta madaxweynaha Ruushka iyo maamulkiisa ayaa marar badan xabsiga la dhigay, waxa uuna hadda ugu dambeyn ku dhax geeriyooday xabsigii uu ku xirnaa isaga oon hankiisa siyaasadeed aan gaarin.

Ad
Previous articleVilla Soomaaliya oo Qaaday Talaabo layaab leh Qaaday kadib Gaaritankii Xasan Shiikh adisababa.
Next articleSaciid Cali Gacamey iyo Hub uu Watay oo lagu Qabtay Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here